October 7, 2025

Haweeney weerar toorey loo adeegsaday ka geesatay Magaalada Hamburg

Warbaahinada Jarmalka ayaa Sheegaya In Weerar mindi ah loo adeegsaday uu  ka dhacay magaalada Humburg ee dalka Jarmalka , kaddib markii haweeney toorey ku hubeysan weerar ku qaaday dad ku sugnaa boosteejo tareenada laga raaco.

Inta la xaqiijiyay weerarkan toorey loo adeegsaday waxaa ku dhaawacmay 12 qof , waxaana la sheegay lix kamid ah dadka weerarkan lagu dhaawacay in ay ku jiraan xaalad halis ah.

Sidoo kale  Ciidamada booliiska Jarmalka oo gaaray goobta uu weerarka ka dhacay ayaa xiray haweeney lagu tuhmayo in weerarkaasi geesatay, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in la bilaabay baaritaanno ku aadan weerarkan ka dhacay Humburg.

Dhanka kale Weerarada tooreyda loo adeegsado ee ka dhacaya dalka Jarmalka ayaa sii kordhaya, maalmo kahor nin Suuriyaan ah ayaa weerar toorey loo adeegsaday ka geestay magaalada Bielefeld, waxa uuna weerarkaasi ku dhaawacay shan qof oo qaarkood gaareen dhaawacyo halis ah.

Dalka Jarmalka ayaa marar badan waxaa ka dhacay weeraro tooreyo iyo gaadiid loo adeegsaday, kuwaa oo qaarkood lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxo lagu tilmaamay argagaxiso.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*