October 7, 2025

In Ka badan 24 kun arday oo maanta u fadhiisaneysa Imtixaanka Dugsiyada sare ee Puntland

Wararka laga Helayo Maamulka Puntland ayaa sheegaya Ku Dhawaad 23,700 arday oo dhigta dugsiyada sare ee Puntland ay maanta oo sabti ah u fadhiisanayaan imtixaanka shahaadiga ah, kaasoo si isku mid ah uga dhici doona 150 xarumood oo ku yaalla 30 degmo oo ka tirsan maamulkaasi.

Imtixaankan oo ay mid lamid ah qaadeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka Puntland in ka badan 20 sano si madax-bannaan uga qaadaya ardayda shahaadiga ah ee dugsiga sare.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay in ay u diyaar-garowday sugidda amniga, hubinta hufnaanta imtixaanka iyo sidii ardaydu si xor iyo xasilooni leh ugu galilahaayeen imtixaanka.

Dhowr jeer oo hore ayay Dowladda Federaalka  Ugu Baaqday   maamulka Puntland in ay ardayda ka qaadaan Imtixaanka Qaranka, balse weli ma suuro galin. Arrintan  Hase ahaatee  waxaa caqabado kala kulma ardayda dooneysa in gudaha dalka iyo dibadda wax ku soo bartaan.

Sidaan oo kale, Maamulka Somaliland ayaa isaguna si gaar ah u qaada Imtixaanka Dugsiyada Dhexe iyo Sare.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*