December 1, 2025

Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday xerada Xalane ee Muqdisho

Weerar hoobiyeyaal ah ayaa saaka lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho sida ay dadka deegaanka sheegayaan.

Dhowr Hoobiye oo laga soo riday meel ka baxsan gudaha xerada ayaa ku dhacay, ilaa iyo 3 hoobiye ayaa la sheegay in halkaasi ay ku dhaceen.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa sheegay  in hoobiyeyaashu ay ku dhaceen dhowr meelood oo kala duwan.

Wali wkhasaaraha si   rasmi ah looma ogaan  maadaama goobta ay wax ku dhaceen durbadiiba ay xireen Ciidanka amniga .

Sidoo kale Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay taliska Midowga Afrika ee AUSSOM iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr mar weeraro sidan oo kale ah ku qaaday gudaha xerada Xalane.

Xalane waa xero ciidan oo ay ku yaalaan xarumo muhiim ah, sida safaarado, xarumo hay’ado caalami ah iyo kuwa amni oo ay leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*