October 7, 2025

R/Wasaare Xamse Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Qaar ka Mid ah Dowladaha Dhibka Ku haya Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa weerar afka ah ku qaaday qaar kamid ah dowladaha shisheeye ee saamaynta kuleh arrimaha siyaasadda ee dalka Somaliya.

RW Xamse ayaa sheegay in qaar kamid ah dowladahaasi ay adeegsadaan siyaasiyiinta Soomaalida dhaqaalena ku siiyaan inaan dalku horay u socon, isagoo xusay in DFS ay ogtahay in farrimaha mucaaradku ay ku socdaan dalalkaas oo xilliyadaan oo kale ka baayacmushtara Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

 

Doorasho   dadban waxay dan u tahay qof aan ka shaqaynayn danta qofka, qabiilka iyo dalka Soomaaliyeed, waxay dan u tahay dowlado idinkaba aad garanaysaan oo markii xilliyadaan la soo gaaro shaqadoodu tahay inay siyaasiyiinta kala laaluushaan oo lacag siiyaan”, Ayuu yiri RW Xamse

 

“Waxaan ognahay inay dowladahaas hebel u yeer deedna xoogaa yar oo aan micne lahayn siiyaan, saaxiibaday qaarkood ereyada ay leeyihiin waxaan ognahay inaysan dadka Soomaaliyeed ula jeedin ee ay meel kale u wadaan”, Ayuu yiri Markale RW Xamse.

Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa aad loogu eedeenayaa in hadda garab weyb u tahay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, waxaana la sheegay in Imaaradka lacag badan ku bixiyay sidii khalaalo u  abuuri lahaayreen.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*