October 7, 2025

SAWIRO:Sanbaloolshe Iyo Masuuliyiin u Tagay Ciidanka Beeshooda ee Dagaalka ku jira

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ay wehliyaan Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale iyo masuuliyiin kale ,ayaa maanta diyaarad helicopter ah ku tagay  degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Sanbaloolshe iyo xubnaha la socda ayaa degmada Moqokori u tagay sidii ay u dhiirogelin lahaayeen ciidanka Macawuusleyda beeshooda iyo kuwa xoogga dalka ee dagaalka kula jia maalmihii lasoo dhaafay kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab.

Dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeyay ciidanka Macawuusleyda beesha Xawaadle iyo kooxda Al Shabaab ayaa ka socday inta u dhaxeysa degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal oo kuyaalla xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Ciidamada xoogga oo taageeraya ciidamada Macawuusleyda Xawaadle , ayaa isku dayaya in Al Shabaab ka saaraan degmada Aadan Yabaal iyo deegaanno kale oo kooxdaasi ugala wareegtay ciidanka xoogga iyo kuwa macawuusleyda beesha Abgaal.

Agaasimaha NISA iyo xubnaha la socda ayaa dhiirogelin iyo taageero ugu tagay ciidanka ku sugan jiida hore ee dagaalka, kuwaa oo jibaha u aastay kooxda Al Shabaab, waxa ayna masuuliyiintan u sheegeen saraakiisha ay la kulmeen in ay garab jogaan.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*