October 7, 2025

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsana ciidanka Macwiisleeyda Hiiraan

Wararka laga Hellayo Duleedka Degmada Moqo kori ayaa  Sheegaya In uu  maanta dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa Macawuusleyda gobolka Hiiraan, uu ka dhacay xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Dagaalka ayaa  ka dhacay inta u dhaxeysa Moqo kori iyo Aadan Yabaal, waxa ayna ciidanka huwanta ah weerar xooggan ku qaadeen goobo ay joogeen xubno katirsan kooxda Al Shabaab.

 dagaalka ayaa dhax maray ciidanka huwanta ah iyo kuwa Al Shabaab, Hase ahaatee  waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaaray.

Xubnaha maanta ku dhintay dagaalka waxaa kamid ah Cabdi Gooney oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Macawiisleyda, waxa uu ninkan kamid ahaa xubnihii kusoo caan baxay dagaalladii Al Shabaab casharrada loogu dhigay ee ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Cabdi Gooney ayaa lacag iyo abaalmarinno kale lagu siiyay xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab uu soo dilay kana soo furtay hub iyo gaadiid ay wateen, waxa Gooney xilligaasi si weyn u qabsaday magaciisa warbaahibta iyo baraha bulshada.

Kooxda Al Shabaab ayaa marar badan raadisay fursado ay ku disho Cabdi Goomey oo xubno iyaga kamid ahaa dilay, hasa ahaatee sargaalkan maanta ayuu dhintay isaga oo dagaal kula jiray Al Shabaab.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*