October 7, 2025

Dhalinyaro saf ugu jiray in ay ku biiraan ciidamada DF oo lagu qarxiyay xerada Damaanyo ee Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu isku qarxiyay xerada Damaanyo ee Magaalada Muqdisho, waxaana xerada ka socotay diiwan gelinta ciidamo cusub oo ku biiraya ciidamada xoogga dalka.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxu uu sababay dhimasho iyo dhaawac badan, iyadoona laba mooto bajaaj ah lagu qaaday dad dhaawac ah oo si degdeg ah loogu qaaday xarumaha caafimaadka. Waxaa la qaraxu uu ahaa mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday goobta lagu diiwaangelinayay dhalinyaro ka mid noqonaysa ciidamada.

Goobta ayaa la xiray, waxaana si weyn u sugan ciidamada ammaanka, kuwaas oo baaraya halka uu qaraxu ka dhacay, iyadoo cabsi laga qabo qaraxyo kale.

Dhanka kale Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan qaraxa ismiidaaminta ah ee lala eegtay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka

Sanadkii 2023 ayaa sidan oo kale loo qarxiyay xerada Damaanyo, xili ay diiwaan gelinayeen dhalin yaro badan, markaasi ku biiraysay ciidamada dowaldda Soomaaliya.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*