October 7, 2025

Maxaa Ka Jira In uu Gaabis ku Yimid Dagaalka Dowladda Soomaaliya kula jirtay Al-Shabaab?

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay gaabis ku timid dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab tan iyo markii ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya la wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in howlgaladii la qorsheeyay ee lagu sii amba-qaadi lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay hakadeen, kaddib markii Villa Soomaaliya ay mashquul ku noqotay arrimo siyaasadeed iyo diyaar-garowga doorashooyinka la filayo in dalka ka dhacaan.

sidoo kale Wararka waxay muujinayaan in dowladda ay weysay taageeradii dhanka miisaaniyadda iyo farsamada ee ka iman jirtay saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Mareykanka, oo door weyn ku lahaa qorshaha dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Dhanka kale, howlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika—oo beddelay AMISOM—ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo aan weli la helin maalgelintii lagama maarmaanka u ahayd sii wadista howlgalka nabad ilaalinta iyo taageerada ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dib u dhacan ayaa kusoo beegmaya xilli Al-Shabaab ay mar kale sare u qaaday weerarradeeda ka dhanka ah saldhigyada ciidamada iyo deegaannada la xoreeyay, taasoo walaac weyn ku abuurtay shacabka iyo beesha caalamka.

Dadka falanqeeya arrimaha amniga ayaa ku baaqaya in si degdeg ah dib loogu eego istiraatiijiyadda dagaalka, loona helo taageero joogto ah oo siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid ciidan si looga hortago in Al-Shabaab dib u xoogeysato.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*