
Sida wararka ay sheegayaan waxaa dib u furmay wadahadaladii ruushka Iyo Ukaraine Wufuud ka kala socday labada dal ayaa markii ugu horreysay si fool ka fool ah u wada hadlay tan iyo bishii Maarso 2022, waqtigaas oo ku beegnaa hal bil kaddib markii Moscow ay weerarro baaxad leh ku qaaday deriskeeda Ukraine.

In ka badan saddex sano oo uu socday dagaalkii ugu dhimashada badnaa qaaradda Yurub tan iyo sannadkii 1945, ma jirin wax wadahadallo toos ah oo dhexmaray labada dal.
Si kastaba ha ahaatee, cadaadis xooggan iyo dhiirrigelin ka timid dalalka Turkiga iyo Maraykanka ayaa sabab u noqday in labada dhinac ay isugu yimaadaan magaalada Ankara si ay u wada hadlaan.
Wadahadallada oo socday wax ka yar laba saacadood ayaa markiiba muujiyay kala duwanaansho weyn oo u dhaxeeya labada dhinac. Wafdiga Kremlin-ka ayaa la sheegay inay soo bandhigeen “shuruudo cusub oo aan la aqbali karin,” sida uu sheegay sarkaal sare oo u hadlay dhanka Ukraine.
Arrinta xabbad-joojinta, oo ahayd ajandaha ugu muhiimsan kulanka, wali go’aan lagama gaarin. Ruushka ayaa ku doodayay in Kyiv ay ciidamadeeda kala baxdo qaybo badan oo dhulkeeda kamid ah, si ay ugu beddesho xabbad-joojin rasmi ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta hal natiijo oo la taaban karo oo laga gaaray kulankan, labada dhinac waxay isku afgarteen in ay is weydaarsadaan min 1,000 maxbuus oo dagaal.
“Tani waxay ahayd dhammaad wanaagsan ee maalin aad u adag,” ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, Serhiy Kyslytsya.
Isweydaarsiga maxaabiista ayaa la filayaa inuu dhawaan dhaco, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca ee Ukraine, Rustem Umerov, oo hogaaminayay wafdiga dalkiisa. “Waan ognahay taariikhda,” ayuu yiri, “balse wali ma shaacinayno.”
Wasiir Umerov wuxuu sidoo kale xusay in “tallaabada xigta” ay tahay kulan toos ah oo dhexmara madaxweynayaasha Zelensky iyo Putin.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag