October 7, 2025

Dagaal xalay Iyo Maanta ka dhacay deegaano ka tirsan G/Sh/ Dhexe Iyo Al shabaab oo lagu Jebiyay

Wararka laga Helayo Degmada Masaajid Cali Gaduud ayaa sheeya In Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ay xalay Iyo Saakay ay weerar qorsheysan ku qaadeen   maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Towfiiq, oo hoostaga magaalada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka ayaa sababay khasaare culus oo la gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, iyadoo fariisamo muhiim ah oo ay halkaasi ku lahaayeen la burburiyay.

Sidoo kale, duqeymo ayaa lagu garaacay deegaankan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad badan.

Dhanka kale Sheekh Cali Muuse, oo ka mid ah culimada deegaanka Nuur Dugle kana qeyb galay gurmadka, ayaa u sheegay n kooxda Al-Shabaab lagu jabiyay weerarka, islamarkaana dhaq-dhaqaaqyo amni ay saaka ka socdaan deegaanno dhowr ah oo ku teedsan aagga la weeraray.

Si kastaba ha ahaatee Ciidanka Macaawiisleeyda ayaa wacad ku maray in ay ka sifeeyn doonaan deeganadooda alshabaab marna aysan ogolaan doonin adoonsiga ka socda deegaanada qaar ee G/SH/DHEXE-

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*