October 7, 2025

Qarax Miino Oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmada Baraawe

Wararka laga Helayo Qaraxii Maanta Ka dhacay  Degmada Baraawe ayaa sheegaya in Hal qof uu ku geeriyooday, labo kalena ayku dhaawacmeen, kadib qarax miino oo maanta ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo haa Miino ayaa lala eegtay gaari NOAH ah oo kusii socday garoonka si uu u soo qaado Qaad,  waxaana qabsaday qaraxa miinada oo waxyeelo gaarsiiyay dadkii Gaariga La socday.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay Qaraxa Gaariga, waxaana la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Carabeey.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay laba qof oo kale, kuwaas dhaawacyaddooda lagu dabiibayo Isbitaalka magaalada Baraawe xarumo ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Illaa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

Dhanka kale Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan qaraxa,mana jirto weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee magaalada Baraawe.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*