
Wararka la Helayo ayaa sheegaya ku dhawaad 17 qof ayaa ku dhintay in ka badan 84,000 oo kalena waa ay barakaceen daadad xoogan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay guud ahaan Soomaaliya tan iyo bartamihii Abriil, sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridka gargaarka bini’aadantinimo (OCHA).

Heayda OCHA ayaa sheegtay in qiimeyn ay sameeyeen mas’uuliyiinta maaraynta musiibooyinka ay muujisay burbur baahsan oo soo gaaray kaabayaasha dalka iyo baahi degdeg ah oo loo qabo gargaar bini’aadantinimo oo la gaarsiiyo dadka waxyeelladu saameysay.
“Iskaashatooyinka gargaarka ayaa kordhiyey caawinta goobaha ay musiibadu saameysay, iyagoo bixiyey cunto, agabka hoyga, qalabka nadaafadda iyo kaalmo lacageed,” ayaa lagu yiri warbixinta ugu dambeysay ee OCHA ay kasoo saartay Muqdisho.
Hay’adda ayaa xustay in roobabkii xooganaa ee ka da’ay gobolka Banaadir, gaar ahaan 9-kii May, ay sababeen daadad xooggan oo dilay sagaal qof, saameeyay ugu yaraan 24,600 qof, burburiyay kaabeyaasha muhiimka ah ee degmooyin badan iyo daadadka oo meesha ka saaray xeryihii dadka barakacayaasha ah.
Roobabka xilliga Gu’ga (Abriil ilaa Juun) ee deyrta ilaa hadda da’ay ayaa sababay fatahaado goobo kala duwan oo dalka ah, sida ay sheegeen saraakiisha Qaramada Midoobay. Dowladda Soomaaliya ayaa dhisey guddi heer qaran ah oo ka kooban wasiirro federaal ah iyo masuuliyiin dowlad-goboleedyo ah si ay uga jawaabaan musiibada fatahaadaha.Soomaaliya oo ay dadkeedu ku tiirsan yihiin beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada ayaa muddooyinkii dambe la daalaa-dhaceysay is-bedelka cimilada oo sababay abaaro daba dheeraaday iyo roobab keenay daadad xooggan.
Biyaha fatahaadda ayaa dhaawacay kaabayaasha muhiimka ah ee waddooyinka iyo isgaarsiinta, sidoo kalena carqaladeeyay isu socodka gaadiidka dadweynaha.
Si kastaba ha ahaatee, Hay’ada OCHA waxay tilmaantay in roobabku ay si weyn u kordhiyeen helitaanka biyaha iyo daaqa, taasoo si togan u taageertay howsha beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada, islamarkaana yaraysay saameyntii abaarta hore u jirtay.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag