
Geneva, oo ah magaalo martigelinaysa xafiisyo badan oo Qaramada Midoobay ah, ayaa noqotay marin ay door bidayaan tahriibiyeyaasha Soomaalida, kuwaasoo si musuq ah loogu soo dhex daro wufuudda dawladda ee rasmiga ah.

Dadka u dhuun daloola arrimahan ayaa ku andacoonaya in hawl-galladan ay taageerayaan madaxda sare ee wasaaradda shaqada oo uu ka mid yahay wasiirka hadda xilka haya ee Yuusuf Maxamed Aadan iyo kuwa heyadda socddaalka oo yy hogaamiyo Mustaf Dhuxulow.
Agaasime ka tirsan wasaaraddaasi ayaa Horn Observer u sheegay in aanu midna ka aqoonsan karin shakhsiyaadka ku xusan liiska shaqaalaha Wasaaradda iyo la-taliyeyaasha ku qoran
“Arrinta yaabka leh ayaa ah in wasaaraddeenu aysan lahayn miisaaniyad safar oo ku filan si loo diro wafdi intaa le’eg, sida aad la socotaan dowladda Soomaaliya ma awoodo in wafdi intaas le’eg loo diro Geneva, haddaba yaa bixinaya qarashka ku baxaya?” ayuu isweydiiyey.
“Taasi waxay si cad u muujineysaa in magacyadani ay yihiin tahriibayaal laga soo dhigay shaqaalaha Wasaarada oo la been abuuray, waxaana arrintan gacan ka siinaya heyada socdaalka oo qof walba oo ka mid ah tahriibayaasha ka qaadanaya kumanaan dolar si ay u fududeyso safarkooda” ayuu yiri
Baaritaano dheeraad ah ayaa muujiyay farqi weyn oo u dhexeeya liiska la gudbiyay iyo xogta dhabta ah ee dawladda. Mid ka mid ah tusaale ahaan Faarax Maxamed Yuusuf, oo ku qoran inuu yahay la-taliye iyo ergo beddel ah, oo ku nool kana shaqeeya Nairobi ayaa laga dhigay wariye ka tirsan Hay’adda Warbaahinta Ingiriiska.
Maryan Axmed Maxamed oo loo magacaabay mas’uul dowladeed inkastoo aysan ka soo muuqan diiwaanka wasaaradda, halka C/fitaax Daahir Jeyte oo loo qoray la taliye uu ka yahay agaasime ka tirsan Wasaaradda warfaafinta oo aan wax shaqo ah ka hayn Wasaaradda shaqada, taasoo muujineysa sida loo been abuuray liiska dadka la qorsheynayo inay u safraan dalka Switzerland.
Shaqsiyaadkan ayaa horay u tagay magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku sugayaan fiisaha safaaradda Switzerland. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo safiirka Soomaaliya ee Nairobi ayaa labaduba ka gaabsaday in ay ka jawaabaan su’aalaha la weydiiyay.
Sida uu sheegay Cabdijabar Maxamed oo ah khabiir heer gobol ah oo la socda shabakadaha wax tahriibiya ee bariga Afrika, dadka wax tahriibiya ayaa la jaanqaadaya nidaamka dowlada, waxay ku tiirsan yihiin isku xirka gudaha iyo baraha bulshada si ay u qortaan kuwa doonaya in ay lacag ku bixiyaan si loogu daro safarrada wufuuda dowlada ee ku wajahan Yurub.
“Waxay bartilmaameedsanayaan dadka awoodi kara kharashka – iyadoon loo eegin cidda ay yihiin. Shabakadu waxay wax ka qabataa wax walba: bixinta baasaboorka iyadoo aan loo baahnayn, kaararka aqoonsiga dawladda, iyo xitaa waraaqaha codsiga fiisaha. Waxay u muuqdaan kuwo gebi ahaanba sharci ah, balse la been abuuray “ayuu sharaxay.
Ma ahan markii ugu horreysay oo hay’adaha dowladda Soomaaliya ay ku lug yeeshaan howlgalladan oo kale. Bishii Nofembar 2024, Ireland waxay xirtay diblumaasi Soomaaliyeed oo fadhigiisu yahay Sacuudi Carabiya, kaasoo ku soo tahriibin jiray shaqsiyaadka isticmaalaya baasaboorka diblomaasiga Aasiya iyo Yurub.
Diblamaasigu waxa uu ka mid ahaa shabakad ganacsi oo habaysan oo ilaa hadda aan la magacaabin.
Iyadoo laga jawaabayo walaaca la midka ah, safaaradaha Talyaaniga iyo Turkiga ee Soomaaliya ayaa hakiyay bixinta fiisaha sannadkii hore ka dib markii ay soo bandhigeen caddaymo muujinaya in saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ay xiriir la leeyihiin hawlaha tahriibinta dadka. Weli cidna looma qaban.
Bishii Oktoobar 2024, labo sarkaal oo sare oo u qaabilsanaa amniga garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa shaqada laga eryay ka dib markii ay ku lug lahaayeen ka ganacsiga, baasaboorada Ingiriiska iyo Mareykanka iyo xiriirka suurtagalka ah ee ay la leeyihiin kooxaha xagjirka ah, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan booliiska Soomaaliya.
Inkasta oo ay jiraan caddaymo isa soo taraya, haddana shabakadaha ka ganacsiga dembiyada ee Soomaaliya waxa ay sii wadaan in ay ku shaqeeyaan ciqaab la’aan talabooyin wax u dhimaya kalsoonida heyadaha dawladnimada
Xafiiska Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) ee Soomaaliya ayaan ka jawaabin su’aalo dhowr ah oo arrintan ku saabsan.
Switzerland oo ah bartilmaameedka koowaad ee Shabakadda ka ganacsiga dadka ee Soomaaliya oo ka faa’iidaysanaysa aqoonsiga ILO
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag