October 7, 2025

Golaha Wasiirrada Oo ansixiyey Heshiis Milatari Soomaaliya iyo Sacuudiga dhex maray

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana kulanka guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

 kulankaasi  Intii uu socday Golaha Wasiirradu waxa ay ansixiyeen heshiis is-afgarad dhinaca milatariga iyo amniga ah oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Heshiiskan ayaa golaha usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidoo kale, shirka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira xaaladda guud ee amniga dalka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyo warbixin ku saabsan diyaar garowga Xajka sannadkan. Guddiga taakuleynta dagaalka lagula jiro Khawaarijta ayaa isna bixiyay warbixin la xiriirta hawlgallada socda iyo taageerada loo fidinayo ciidamada.

Xukuumaddu waxay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada amniga iyo difaaca, iyo sidoo kale horumarinta howlgalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Si kastaba ha ahaatee Dowlada Federalka Somaliya ayaa been ku qancinaysa shacabka somaliyeed Ayagoo sheegaya in Guulo laga Gaaray La dagaalanka alshabaab Iyo Kooxda Daacish Blase Shacabka Somaliyeed ayaa qaba in wali ay xoogan yihiin alshabaab dowladana aysan ku mashquulin la dagaalanka alshabaab waxaana ay waqti geliyeen xisbi dhisitaan iyo wax dhicid .

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*