December 1, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh“Koox ajande gaar ah leh dadka iyo qabiil iskuma hayn karaan”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay daahfurka xisbi siyaasadeedka cusub ee hoggaamiyayaasha siyaasadda DFS iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada ayaa sheegay inaan cidna loo joojin doonin dalkana lagu sii hayn doonin doorasho dadban.

“Koox ajande gaar ah leh dadka iyo qabiil iskuma hayn karaan, dalka waxaa isku hayn kara fikir siyaasi ah oo mustaqbal fiican laga dhex arko”, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Isbedelkasta waa xanuun iyo cabsi badan yahay,dibna uma noqon karno, meeshaan 25 joognayna masii ahaan karno, horaan u soconaynaa masii taagnaan karno”, Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ma cadda talaabada ay qaadi doonaan madaxda Puntland iyo Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Waxaa nasiib daro aad u weeyn ah Maamulo Waqtigoodii dhacay in ay ka mid naqdaan Xisbiga Cusub  tan kale waxaa nasiib daro kale In maamulada Qaar ay ku maqan yihiin khilaaf siyaasadeed  Waa sheekadii waa  seexday waana riyooday.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*