October 7, 2025

Diyaaradaha Mareykanka oo duqeeyay dhulka buuraleyda ee gobolka Bari

A RAF Reaper UAV (Unmanned Aerial Vehicle) is pictured airborne over Afghanistan during Operation Herrick. It is armed with a full complement of two GBU-12 226kg (500lb) laser-guided bombs and four Lockheed Martin AGM-114P Hellfire air-to-surface missiles. The MQ-9 Reaper is a medium-to-high altitude, long endurance remotely piloted aircraft system. The MQ-9's primary mission is to act as an intelligence, surveillance and reconnaissance (ISR) asset, employing sensors to provide real-time data to commanders and intelligence specialists at all levels.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ay fuliyeen duqeyn cirka ah oo lala beegsaday xubno ka tirsan Daacish.

Qoraal ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in Duqeyntan oo si gaar ah uga dhacday deegaanka ku yaalla qiyaastii 70km dhanka Koonfur-bari ee magaalada Boosaaso, gobolka Bari ee dowlad-goboleedka Puntland.

Wararka soo baxaya ayaaa sheegaya in duqeymaha ay ka dhaceen dhulka buuraleyda ah, gaar ahaan saldhigyo ay leeyihiin Daacish.

War-saxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weli la wado qiimeynta khasaaraha iyo saameynta duqeynta, si loo xaqiijiyo in ujeeddooyinka hawlgalku la gaaray.

Dowladda Federaalka ayaa xustay in duqeyntani ay taageerayso dadaallada ciidamada amniga Puntland ee ka dhanka ah Daacish.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Dowladda Mareykanka iskaashiga dhinaca amniga, sida duqeymaha iyo taageerada kale.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*