
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u fasaxday duulimaadyada diyaaradaha ee u kala goosha magaalada Doolow ee gobolka Gedo, kadib muddo cunaqabateyn ah oo saameyn ku yeelatay bulshada deegaankaas.

Sidoo kale Go’aanka fasaxa ah ayaa lagu caddeeyay warqad uu soo saaray Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo meesha ka saartay xanibaaddii muddooyinkii u dambeeyay saarneyd magaalada Doolow.
Arrintan ayaa timid kadib wada-hadallo ka dhacay magaalada Addis Ababa, kuwaas oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka kala socday dowladda federaalka, maamulka Jubbaland iyo saaxiibada caalamka. Wada-hadalladaasi waxay horseedeen is-afgarad lagu soo afjarayo khilaafkii ka taagnaa maamulka hawada iyo xiriirka siyaasadeed ee gobolka.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag