October 7, 2025

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay duleedka degmada Cadale

Wararka Laga Helayo  deegaanka Koogaar ee degmada Cadalle ayaa sheegaya in saaka waaberigii ay maleeshiyaad hubeysan  ku dileen laba qof oo shacab ah, kuwaasoo midkood ka shaqeynayay shirkad isgaarsiineed oo ku taala  deegaanka, halka midka kale uu ka shaqeynayay ceel-biyood ku yaalla isla deegaankaasi.

Goob-joogayaal ku sugan Deegaanka Koogaar ayaa xaqiijiyay in ragga dilka geystay ay kasoo jeedaan isla degmada Cadalle, ayna goobta ka baxsadeen kadib marka ay fuliyeen falkaasi dilka ah. Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ay cabsi ka qabaan in uu hurin karo xiisad beeleed.

Labada Qof ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Fanax Macalin Xabeeb iyo Muxudiin Caraale.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhowr maalmood ka hor isla duleedka degmada Cadalle lagu dilay darawal waday gaari noha ah, kaasoo la sheegay in ay toogteen maleeshiyaad hubeysan oo iyaguna kasoo jeeda Cadalle. Falkaas ayaa sidoo kale abuuray walaac iyo cabsi xooggan oo ku wajahay dadka shacabka ah.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Cadalle ama hay’adaha ammaanka ee heer gobol iyo heer federaal oo ku saabsan dhacdooyinkan is-daba-joogga ah ee dilalka loo geysanayo shacabka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*