
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa magaalada Muqdisho Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu.

Labada dhinac ayaa waxaa ay diiradda saareen horumarinta xiriirka labada dal, kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed, iyo xoojinta taageerada dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, waxbarashada, iyo adeegyada muhiimka ah ee bulshada.
Safiir Wang Yu ayaa ugu horeyn Wasiir Cabdisalaan ku bogaadiyay magacaabistiisa dhowaan loo magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar uu ku hoggaamiyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Waxa uu intaas ku daray in Dowladda Shiinaha ay weligeed garab taagnayd shacabka Soomaaliyeed, ayna ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.
Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa uga mahadceliyay Safiirka booqashada sharafeed iyo hambalyada uu u muujiyay, isagoo si gaar ah uga hadlay muhiimadda ay leedahay xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha. Wasiirku wuxuu carabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya ay danaynayso iskaashi miro dhal ah oo la xiriira mashaariicda horumarineed, tayeynta adeegyada bulshada, iyo tababarrada kor loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha dowladda.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla gartay in la dardargeliyo heshiisyadii hore u dhaxeeyay labada dowladood, lagana shaqeeyo qorshayaal cusub oo labada dal ka wada faa’iideysan karaan, iyada oo la dardargelinayo xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag