October 7, 2025

Dowlada Turkiga oo Isku dayeeysa Dhexdhexaadinta Dagaalka Pakistan iyo Hindiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga ayaa walaac xooggan ka muujiyey xaaladda sii xumaaneysa ee u dhexeysa dalalka Pakistan iyo Hindiya, taasoo haatan isu beddeshay gacan ka hadal ay dad badani ku dhinteen.

Madaxweynuhu wuxuu yiri: “Waxaan si qoto dheer uga walaacsanahay in xiisadda ka dhex aloosan Pakistan iyo Hindiya ay isu beddeshay isku dhac gantaallo ah oo ay ku dhinteen dad badan oo aan waxba galabsan. Ilaahay ha u naxariisto walaalaheenii naftooda ku waayey weerarradaas. Mar kale waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka iyo dowladda Pakistan.”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in uu shalay khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Mudane Shahbaz Sharif, si ay uga wada hadlaan xaaladda taagan iyo sidii loo yareyn lahaa xiisadda.

Dhanka kale Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray:“Waxaan si weyn u qadarinaynaa soo jeedinta Pakistan ee ah in la sameeyo baaritaan caalami ah oo lagu ogaanayo wixii sababay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Jammu Kashmir.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Turkigu dadaal kasta u galayo sidii loo dejin lahaa xiisadda iyo sidii loo furi lahaa waddooyin wada-hadal ah ka hor inta aysan arrimuhu u gudbin marxalad aan laga noqon karin.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*