
Madaxweyne hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shir jaraa’id uu qabtay waxaa uu kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee xiligan uu marayo dalka iyo shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Shariif ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ugu digay isku dayada ciidanka xoogga loogu adeegsanayo dano siyaasadeed, isagoo sheegay in DFS ay horey ugu fashilan tahay duulaankii Jubbaland, wuxuuna ku baaqay in waxkasta wadahadal lagu dhameeyo.
“Waxaan dowladda ugu baaqayaa in maanta la joogo waqtigii aad dadka isugu yeeri lahaydeen oo aad talo dhagaysan lahaydeen. Waan aragnaa meesha dalka ay dhigtay talo xumadiina.”ayuu yiri Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.
“Meel aadan gacanta ku haynin,aadan talo ku laheyn, inaad tiraahda maamul ayaan kasoo dhisaa waa nasiib darro” ayuu yiri Madaxweeynihii Hore Sheekh shariif.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in ciidanka Jubbaland ay mudan yihiin dhiirogalin maadaama deegaanadaasi ay cadowga khawaarijta ku badan yihiin.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag