October 7, 2025

Maamulka Puntland “Waa been Waxba Kama Jiraan Raadeerka la sheegayo In lagu Rakibay Puntland”

Wararka Soo Baxaya ayaa  sheegaya in dowladda Imaaraadka Carabta ku rakibtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Puntland Raadaar ay sameysay Isra’iil, sidoo kale Imaaraadka Boosaaso ka sameesteen saldhigyo laga weeraro Xuutiyiinta.

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Puntland Maxamuud Ciid Darr, ayaa qoraal uu soo saaray si adag ugu beeniyay wararka sheegaya in dowladda Imaaraadka Carabta ay saldhigyo ciidan ama xarumo gantaallo ka sameysatay magaalada Boosaaso ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in eedeymahan ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo ay qeyb ka yihiin olole uu sheegay in ay warbaahineed oo ay hormuud ka tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo ay wehliyaan warbaahin shisheeye ka dambeeyaan.

 Wasiirka ayaa Yiri wararkan laga faafiyay in ay yihiin kuwa lagu doonayo in lagu sumcad-dilo Maamulka Puntland, isagoo intaa ku daray in dhinacyada wararkan faafiyay ay doonayaan in ay wiiqaan dadaalka ay Puntland ugu jirto la dagaalanka argagixisada.

Dhanka kale Dowladda Imaaraadka Carabta oo ciidamo ka joogaan magaalada Boosaaso, ayaa la sheegay in ay si joogto ah u adeegsadaan garoonka diyaaradaha magaaladasai, waxa ayna Imaaradaka halkaasi si joogta ah uga dejiyaan hub, ciidamo iyo qalab ay siyaabo kala duwan u isticmaalaan.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*