October 7, 2025

Xiisadda Pakistan iyo Hindiya oo saameyn ku yeelatay Safarada Qaarada Asia

Xilli xiisadda dalalka Hindiya iyo Pakistan ay cirka isku sii shareerayso, islamarkaana labada dhinac ay dhowaan duqeymo cirka ah is waydaarsadeen ayaa umuurtaasi waxay saameyn ku yeelatay isku socodka duullimaadyada gobolka.

Dhawr shirkadood oo dhanka  diyaaradaha qaarada  Aasiya  ayaa sheegay inay baajiyeen duullimaadyadii aadi jiray ama uga iman jiray Yurub sababo la xariira dagaalka u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan.

Dowlada Hindiya ayaa xalay weerartay magaalooyin ku yaalla gudaha Pakistan iyo deegaanno ka tirsan dhulka Kashmir, qeybta ay Pakistan maamusho, 

Hase ahaatee weerarradaasi  waxa ay sababeen dhimashada in ka badan 26 qof iyo dhaawac ku dhowaad 50 kale.

Dhanka kale Dowlada Pakistan ayaa sheegtay inay soo ridday shan diyaaradood oo ay leedahay Dowlada Hindiya, ayadoo kale burburisay saldhigyo militari oo ku yaalla gudaha dalkaas, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Pakistan. 

Sidoo kale Warakar ayaa sheegaya in dowlada Pakistaan ay weerarkaasi ka jawaabtay ayadoo ku garaacday Gantaalo aad u badan Balse Dowlada Hindiya waxa ka soo yeeray hadal ah “Hadii aan nahay Hidiya waxa aan qaadnay weerar xadidan balse Dowlada Pakistaan  weerar xoogan ayay ku soo jawaabtay” kamana Filanaynin

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa weerarka Hindiya ku qaaday Pakistan ku tilmaamay fal ceeb ah, ayadoo Xoghayihiisa arrimaha dibadduna uu wada-hadal degdeg ah la yeeshay masuuliyiin qaabilsan arrimaha hubka Nuclear-ka ee Mareykanka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*