October 7, 2025

Maxaa Ka Soo Baxay MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha ciidanka Mareykanka ee AFRICOM?

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Gaashaandhigga  Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada  waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage, Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Richard H. Riley, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Mareykanka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, iskaashiga milatari, iyo la-dagaalanka argagixisada. Labada dhinac waxay isku raaceen in la sii xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo kooxaha xagjirka ah ee khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Mareykanka taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan tababarada, qalabeynta iyo taageerada hawlgalka ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid sal adag oo ku dhisan iskaashi iyo dano wadaag ah.

Booqashada Taliyaha AFRICOM: Taliyaha AFRICOM, General Langley, ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay Mareykanka in uu garab istaago Soomaaliya si loo xoojiyo amniga, loona dhiso awoodda ciidamada qaranka si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka. Waxa uu sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono taageerada istiraatiijiga ah ee uu siiyo Soomaaliya.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*