
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed,Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu ka furmo caasimadda maalmaha soo socda.

Safarka Madaxweyne Laftagareen ayaa kusoo beegmaya xilli ay hore u joogeen Muqdisho madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Galmudug, Iyo SSC Khaatuma Hase ahaatee waxaa kulanka Ka Maqan Madaxweeyne Deni Iyo Madaweyne Axmed Madoobe.
madaxweynaha ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isagoo ay weheliyaan xubno ka tirsan maamulka Koofur Galbeed iyo wafdi kale oo heer sare ah.
Shirkan Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimo muhiim ah sida:
Habsami u socodka hanaanka doorashooyinka dalka,
Dhammeystirka dastuurka,
Qorshaha amniga qaranka iyo la dagaallanka argagixisada,
Xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.
sidoo kale waxaa la filayaa in shirkan uu qeyb ka noqdo Madaxweeynaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, oo isna ku sugan Muqdisho, inkasta oo wali aan si rasmi ah loo xaqiijin doorkiisa shirka.
Si kastaba ha ahaatee Kulankaan ayaan aheeyn Mid Dhalinaya Rajo wanaagsan Maxaa yeelay madaxxweeyna Qaranka Iyo Kuwa Maamulada Waxa ay rabaan doorasho aan Hishiis lagu aheeyn in ay dhacdo ayagoo ay ka maqan yihiin laba maamul Jubbaland Iyo Puntland.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag