October 7, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Daah-Furay Mashruuca dhallinyarada iyo Nabadda

Madaxweynaha mamaulka Hirshabeelle  Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XJFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle Maxamed Xuseen Ceynte ayaa daah-furay mashruuca dhallinyarada iyo nabadda.

Mashruucu wuxuu dhallinyarada Jowhar ku xoojinayaa doorkooda nabadaynta, xallinta khilaafaadka, iyo maareynta kheyraadka dabiiciga ah sida dhulka iyo biyaha waxana iska kaashanayo Dowladda Soomaaliya Hirshabeelle, IOM iyo FAO.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XJFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Hirshabeelle fursad-siinta dhallinyarada iyo sida ay maamulkiisa uga muuqdaan.

“Dhallinyarada waa awoodda Hirshabeelle waxana ay sabab u yihiin halganka, nabadda iyo horumarka.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay Wasiir Maxamed Barre u-qareemida dhallinyarada iyo soo gaaristiisa Hirshabeelle.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*