
Ciidamada gaarka ah ee Danab oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah ka sameeyey tuulooyin iyo deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalladan oo uu hoggaaminayay taliye ku-xigeenka ururka 164’aad Laba Xidigle Daahir Xuseen Jimcaale (Kabayare), ayaa laga fuliyey tuulooyinka Cadalow, Buurfuule iyo Buurane.
Ujeeddada howlgallada ayaa ahaa sidii looga hortagi lahaa weerarada AS ay ka fuliyaan deegaannad gobolka Shabeellada Dhexe.
Taliye Kabayare ayaa kulammo la qaatay dadka deegaanka ee ku nool tuulooyinkii la howlgalladay, wuxuuna ka codsaday in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago falalka amni-darrada ah.
Maalmihii u dambeeyay waxaa gobollada dalka, gaar ahaan Shabeellaha Dhexe, ka socday howlgallo wadajir ah oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo shacabka deegaanka, kuwaas oo lagu doonayo in lagu adkeeyo nabadda loogana hortago khatar kasta oo amni.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag