October 7, 2025

M/weeyne Axmed Madobe oo ku laabtay Kismaayo iyo xili weli duulimaadyada ay xiran yihiin.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar uu maalmahan ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

Madaxweynaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Jubbaland.

Dhanka kale Soo laabashada madaxweynaha ayaa ku soo aadaysa xilli qeybo kamid ah Jubbaland aysan si buuxda u shaqeynaynin garoomada diyaaradaha, taasoo sababtay caqabado weyn oo saameeyay shacabka iyo isu socodka gudaha maamulkaasi, Inkastoo aan faahfaahin rasmi ah laga helin ajandaha safarka Madaxweynaha ee dibadda, haddana wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Axmed Madoobe uu kulamo la qaatay xubnha Beesha Caalamka.

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Lama oga in Axmed madoobe uu ka qeyb gali doono shirka golaha wadatashiga Qaranka iyo in kale.

Si kastaba ha ahaatee Dowlada Madaxweeyne xasan ayaa ku sifoowday waxii uu shalay ku sameeyay Madaxweeyne  Farmaajo in uu isagana Bulshada Somaliyeed Ku Sameeyo waana nasiib daro aad u weeyn waayo waxii  aad shalay diiday in aad maanta ku  sameeyso Kismaayo oo cunaqabateen aad saarto  Horumar laguma gaarayo waaya waa shacabkii aad xakumaysay hadii aad dhibaateeyso shacabkaadii maxaa kuu soo haraya waa nasiib daro weeyn.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*