
Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Pakistan Mohammad Isxaq Dar, iyagoo isla soo qaaday xiriirka labada dal iyo xiisadda ka taagan dalalka India iyo Pakistan.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Pakistan ayaa qoraal ay faafisay ku sheegtay in Wasiir Mohammad Ishaq uu ugu hambalyeeyay C/salaam Cabdi, xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee loo magacaabay, isagoo kala haday xaaladda sii xumaanaysa ee India iyo Pakistan.
Sidoo Kale Wasiirka dowlada Pakistaan Wuxuu dalka India ku eedeeyay inay dacaayadda aan sal iyo raadka lahayn ku heyso dalkiisa, kuna dhaqaaqaday tallaabo caddownimo oo hal dhinaca, taasoo uga baxday heshiiskii Webiga ‘Indus’ ee labada dal.
Dhanka kale Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay xaaladda India iyo Pakistan, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in khilaafka lagu xalliyo qaab diblumaasiyadeed si loo ilaaliyo nabadda iyo ammaanka gobolka.
Dowlada Pakistan ayaa xiriiro badan la sameyneysa Dalalka dunida, si ay taageero diblomaasiyadeed ugu hesho Xiisad kala dhaxeysa dalka India.
Dhinaca kale Soomaaliya oo xiligan ka tirsan 10-ka dal ee aan joogtada ahayn ee Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo aad muhiim ugu ah xalinta xiisadaha dunida, taasoo keentay in qeyb ka noqoto diblomaasiyadda dunida iyo xalinta khilaafaadka dalalka is haya.
Ugu danbeeyntii Wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Pakistan waxay xaqiijiyeen inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal, iyo sii xoojintiisa.
Xiisadda u dhaxeysa labada dal ee Pakistan iyo Hindiya ayaa cirka isku shareertay kadib weerar ka dhacay dhulka Kashmir ee India heysato 22-kii April,- kasoo lagu dilay 26 qof.
Maxay Is dhaafsadeen Oo Warar ah Dowladahaha Pakistaan Iyo India?
India ayaa weerarkan ku eedeysay kooxo ay gabbaad siiso Pakistan, waxayna ku hanjabtay inay tallaabo milateri qaadi doonto, iyadoo dalkeeda ka ceyrisay diblomasiyiintii Pakistan, isla markaana joojisay heshiiskii ugu weynaa ee labada dal oo ahaa qeybsiga webiga Indus.
Pakistan ayaa ku jawaabtay inay ceyrisay diblomasiyiintii India, waxayna hawadeeda ka xiratay Diyaaradaha dalkaasi. Waxay xaaladu gaartay in muddo toddobaad ah ay iska hor imaadyo milateri ka socdaan xuduudka labada dal iyo Paksitan oo ka digtay dagaal ka qarxi kara labada dal.
Labadan dal oo kala go’ay sanadkii 1947 ayaa dhowr jeer dagaallo dhex mareen, balse cabsida hadda la qabo ayaa ah inay heystaan Hubka wax baabi’iya ee Niyukliyeerka.
India iyo Pakistan ayaa wuxuu dalka kasta heystaa ilaa 170 madaxyada Bambooyinka Niyuliyeerka oo loo adeegsan karo in laga tuuro Gantaalaha, Diyaaradaha iyo Gujisyada badda hoosteeda mara.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag