
Sida uu Sheegay Afhayeenka Shiinaha ayaa bogaadiyay tallaabada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku mamnuucday inay dalkeeda soo galaan dadka sita baasaboorka Jasiirada Taiwan; wuxuu intaas raaciyay inay si buuxda u taageerayaan Qaranimada Somaliya.

Dhinaca kale Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan ayaa sheegtay in hay’adda duulista hawada Soomaaliya ay todobaadkii hore soo saartay ogaysiis ku saabsan in laga bilaabo Arbacada aan la aqbali doonin in baasaboorka Taiwan lagu galo Soomaaliya.
Taiwan ayaa ku eedeysay dowladda Shiinaha inay go’aankaasi ku cadaadisay dowladda Soomaaliya, Markii Taiwan oo iyaduna gooni u goosed ah ay sare u qaadayso xiriirka ay la leedahay Somaliland.
Dowladda Somalia ayaan si rasmi ah uga hadlin arrintan Balse Jazirada Taiwan ayaa ku xadgudbaysa Madaxbananida Somaliyeed. waana waa jib in laga hortagaa
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag