
R/Wasaaraha Masar, Mustafa Madbouly, ayaa sheegay in la kordhiyay howlgalka ciidanka Masar ee Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Wuxuu sheegay in Dowlada Masar ay siinayso arrimaha Afrika mudnaanta ugu sarraysa iyadoo ka shaqeynaysa wadiiqooyin ay ku dhiseyso iskaashi, xulafeysi, iyo la tacaalida khataraha suuragalka ah gaar ahaan iyadoo ay jirto xiisad kala dhaxeysa Itoobiya.
R/Wasaare Mustafa Madbouly oo shir jaraa’id qabtay kadib kulanka toddobaadlaha ah ee xukuumadda Masar ayaa waxa uu sheegay in uu Jimcihii la soo dhaafay booqday Uganda uuna kaga qeyb galay shir lagu gorfeeysay xaaladda Soomaaliya, gogol xaarna u ahaa howlgal cusub oo Qaramada Midoobay & Midowga Afrika ay ka bilaabayaan Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mustafa Madbouly, ayaa carrabka ku adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha bulshada.
sidoo kale Waxa uu muujiyay sida ay Masar uga go’an tahay in ay sii wado deeqaha waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaaliyeed, taasoo qayb ka ah xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.
Si kastaba ha ahaatee Ujeedka Masar ah ayaa ah in ay Siyasada Somaliya Lug ku Yeelato maadaama ay is hayaan Dowlada Itoobiya .Dowlada Masar ayaa Ciyaaraysa Siyaasad ah Hadii Culeeys kaga Yimaado Dhanka Dowlada Itoobiya In ay Halkaani Duulan kaga Qaado Balse Taasi Waxa ay Dhibaato Weeyn Ku Tahay Dowlada Somaliya Iyo Shacabkeeda in laba dal oo isku hayo siyaasadooda in ay dalkaada ku dhex dagaalamaan waa nasiib daro aad u weeyn.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag