October 7, 2025

Maxaa keenay In uu dib u dhac Ku Yimaado shirka golaha wadatashiga Qaranka?

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee lagu waday inuu ka furmo magaalada Muqdisho 1-da ilaa 2-da bisha May, ayaa baaqday. Ayadoon la garanaaynin sababta keentay.

Shirkan oo ah mid si weyn loo sugayay, ayaa lagu waday in looga hadlo arrimo dhowr ah oo quseeya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, sida dib-u-eegista dastuurka, amniga qaranka, iyo hannaanka doorashooyinka.

War- saxaafadeed kasoo baxay xafiiska R/Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu shaaciyay in uu dib u dhac ku yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu waday in beri ka furmo Muqdisho.

Waxaa lagu sheegay warka kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya in wadatashi kaddib shir dib loogu dhigay 5- ta bishan oo ku beegan maalinta Isniinta soo socoto , lamana shaacin ilaa hadda sababta rasmiga ah ee shirkan dib loogu dhigo.

“Warka ayaa lagu sheegay in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) uu si rasmi ah uga furmi lahaa magaalada Muqdisho berrito, ayaa kadib wadatashi ay yeesheen Madaxda Qaranku waxa ay ku go’aamiyeen in shirku qabsoomo maalinta Isniinta ee 5ta bisha Maajo 2025” ayaa lagu yiri warka Xukuumadda kasoo baxay.

Madaxweyne Soomaaliya, ayaa horey ugu baaqay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ay isugu imaanayaan madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, waxaana shirkan diirada lagu saari doonaa arrimo xasaasi ah.

Dhanka kale Shirka Golaha Wadatashiga Qaran , ayaa lasii ogyahay in aysan kasoo qeyb geli doonin madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, kuwaa oo khilaaf kala dhaxeeyo DFS, waxaana shirkan markii ugu horreysay lagu casuumay maanulka SSC Khaato .

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*