
Xoogaha Hoose ee la helayo ayaan sheegaya in Xisbiga UPD ayaa ugu dambeyn la isla qaatay in magaca laga bedelo, kaddib wadatashiyo maalmihii la soo dhaafay socday oo looga arrinsanayay dib u habeynta iyo ballaarinta xisbiga.

Arrimahan ayaa yimid maadaama saamilley cusub ay ku soo biireen xisbigan, kuwaasoo isugu jira madax maamul goboleed iyo gudoonka golaha shacabka.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Magaca Xisbiga uu noqonaya Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka, kaasoo ka kooban saddex Gole.
Dhanka kale Waxa ay sheegayaan in la isla gartay in aan wax is bedel ku imaan calaamaddii Xisbiga UPD.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag