October 7, 2025

Dowlada Ruushka Oo Ku dhawaaqay 3 maalmood oo xabbad-joojin ah

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin 3 maalmood ah, asagoo dhinaca Xukuumadda Ukraine ugu baaqay inay aqbalaan xabbad-joojintaas.

Xabbad-joojinta ayaa looga golleeyahay lagu weyneeyo munaasabadda 80 guuradii ka soo wareegatay guushii Midowga Soofiyeeti uu ka gaaray dagaalkii labaad ee dunida.

Kremlin-ka ayaa sheegay in xabbad joojintu 72-saacadood ah ay socon doonto laga billaabo 8-da May illaa dhammaadka 10-ka May, wuxuuna ugu baaqay Kiev inay qeyb ka noqato xabbad-joojinta.

Dhanka kale Dowladda Ukraine ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin xabbad-joojintan ay Moscow ku dhawaaqday, lamana oga sida ay tillaabadani u dhaqan-geli doonto.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*