October 7, 2025

Dhowr Madaafiic ah Oo lagu garaacay xarunta Xalane iyo Garoonka Aadan Cadde

Wararka saakay ayaa sheegaya in Tiro hoobiyaal ah  lagu garaacay Agagaarka  xarunta Xalane iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde  waxaana la sheegay in qaar kamid ah hoobiyaashaasi ku dhaceen aaga xarunta Xalane.

Dadka degan xaafadaha ku dhaw dhaw xarunta Xalane , ayaa si weyn u maqlayay dhawaqa madaafiicda saakay lasoo tuuray, waxa ayna madaafiicda qaar ku dhaceen xaafado ku dhaw dhaw xarunta Xalane oo ay degan yihiin dad shacab ah.

Sidoo kale Lama soo sheegin ilaa hadda khasaaraha ka dhashay madaafiicdan saakay dad badan oo shacab ah argagax ku riday, waxaana gudaha xarunta Xalane laga daaray dhawaqa digniinta marka la dareemo in ay jiraan xaalado khatar ah.

Kooxda Al Shabaab, ayaa kordhisay weerarada madaafiicda ah ay inta badan ka geestaan magaalada Muqdisho, waxa ayna kooxdan madaafiicda si gaar ah ugu beegsataa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyo sidoo kale aagga ay ku yaalaan Xalane iyo garoonka Aadan Cadde.

Si kastaba ha ahaate waxaa nasib daro ah in Guudaha Caasimada laga soo tuuro weerar madaafiic ah Taaina waxaa ugu wacan Dhanka Ciidanka Sirdoonka aan si fiican u shaqeeyn maxaa yeelay waxaa la rabay in xafad kasto ay ka war hayaan dhaqdhaqaaqa ka jira iyo sida ay tahay xaalada amniga 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*