
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa helay warqad casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, taasoo ku saabsan ka qeybgalka shirweynaha muhiimka ah ee u dhexeeya Ruushka iyo Ururka Jaamacadda Carabta (Arab League).

Warqadda casuumaadda ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, (Mikaaiil Bagdoonof) Mikhail Bogdanov, oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho.
Shirkan oo la qorsheeyay in la qabto dhammaadka sannadka 2025, ayaa diiradda saari doona xoojinta xiriirka siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni ee u dhexeeya Ruushka iyo dalalka Carabta.
Soomaaliya, oo ah dal muhiim ah oo ku yaalla Geeska Afrika, ayaa ka mid noqon doonta wadamada si gaar ah loogu casuumay shirka, taasoo fursad u siinaysa inay xoojiso xiriirka ay la leedahay Ruushka iyo dalalka kale ee Carabta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu shirkan uga faa’iidaysto xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, horumarinta iskaashiga dhaqaale, iyo raadinta taageero caalami ah oo ku aaddan dib-u-dhiska iyo xasilloonida Soomaaliya.
Casuumaadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka helay Madaxweyne Vladimir Putin ayaa u muuqata tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, xilli dalalka caalamka ay sii wadaan ballaarinta saameyntooda istiraatiijiyadeed ee gobolka Geeska Afrika. Waxaa la filayaa in ka qeybgalka Soomaaliya ee shirweynaha Ruushka iyo Jaamacadda Carabta uu horseedi karo fursado cusub oo horumarineed iyo iskaashi caalami ah.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag