October 7, 2025

Antonio Rüdiger Oo Warbixin Kasoo Saaray Falkii Foolxumaa Ee Uu Kula Kacay Garsoorihii Kulankii Finalka

Antonio Rüdiger ayaa war rasmi ah soo saaray kadib casaankii uu qaatay kulankii Real Madrid ee ay guuldarro 3-2 kala kulmeen Barcelona final-ka Copa del Rey.

Daafaca Real Madrid ayaa wajahaya ganaax dheer kadib markii uu u muuqday inuu baraf ku tuuray garsooraha isla markaana si caro leh ugu qeyliyay isagoo ay qab-qabteen asxaabtiisa kooxda daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaartii xiisaha badnayd.

Garsooraha Ricardo de Burgos Bengoetxea ayaa sidoo kale casaan siiyay Jude Bellingham iyo Lucas Vázquez iyagoo muran kala hortagay go’aamadiisa.

De Burgos waxa uu ku qoray warbixintiisa ciyaarta in Rüdiger “Uu kusoo tuuray baraf aagga tababaraha inkastoo uusan ku dhicin,” isaga oo intaas ku daray in xiddigii hore ee Chelsea uu muujiyay “dabeecad caan ah oo cadho leh.”

Rüdiger ayaa horey loo bedelay ciyaarta kahor inta uusan bilaabin inuu ku qeyliyo garsooraha isagoo gacanta ku haya bac baraf ah, waxaana qab-qabtay ciyaartoyda iyo shaqaalaha Real Madrid.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee Jarmalka ayaa hadda sugaya go’aanka ciqaabta rasmiga ah ee laga gaari doono, balse wuxuu raaligelin ku muujiyay fariin kooban oo uu soo dhigay Instagram. Wuxuu qoray:

“Ma jirto wax cudurdaar ah oo aan u heli karo anshax xumadaydii habeenkii lasoo dhaafay. Aad ayaan uga xumahay. Ciyaar wanaagsan ayaan sameynay qeybtii labaad ee ciyaarta.

11 daqiiqo kadib ma aanan awoodin inaan caawiyo kooxda. Ka hor inta aysan ciyaarta dhammaan waxaan sameeyay qalad.

Mar kale raali ahaaada,garsooraha iyo dhammaan cidii aan niyad jabiyay.”

Kulanka oo aad u xiiso badnaa, ayaa Jules Kounde uu dhaliyay goolka guusha daqiiqadihii ugu dambeeyay ee waqtiga dheeraadka, isagoo Barcelona u xaqiijiyay guul 3-2 ah.

Barca ayaa ku guuleysatay koobkoodii 32-aad ee Copa del Rey, rikoodh cusub oo ay sii dheereysteen, kadib markii difaacooda reer France uu si qurux badan kubbad hoose ugu leexiyay geeska goolka daqiiqaddii 116-aad.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*