October 7, 2025

DEG DEG: Isku Shaandheyn Lagu Sameeyey Golaha Wasiirrada Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday isku shaandheyn lagu sameeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, iyadoo la magacaabay mas’uuliyiin cusub oo xilal kala duwan loo wareejiyey.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka 2-aad ee XFS.

Cabdisalaam Cali Dhaay, oo horey u ahaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka 2-aad ee XFS, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFS.

Axmed Macallim Fiqi, Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee XFS, ayaa loo wareejiyey jagada Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS.

Isbeddelkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta shaqada xukuumadda, iyadoo la isku dayayo in lagu dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla dowladda.

Si kastaba ha atee Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweeyne Xasan ayaa modaa in uu ku dhacay qal-qal siyaasadeen tan iyo markii ay shabaab dib ugu soo laabteen deegaanadii horey looga xureeyay  Sidoo kale Madaxweeyne Xasan ayaan waqtigaan diyaar u aheeyn in dalka ay dhacdo doorasho loo siman yahay waxa uu rabaa mid uu asiga jeebkiisa ka keensado waana dib u dhac kale oo aad u weeyn.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*