
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dadka ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu.

Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya ayaa bogaadiyay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in dowladda Shiinaha ay Soomaaliya uga duwantahay dalalka kale islamarkaana xiriirka ka dhaxeeya uu yahay mid mudo aad u dheer.
Sidoo kale, Safiirka Shiinaha ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida uu uga shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa dhinaciisa bogaadiyay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha si gaar ah xiriirka ka dhaxeeya baarlamaanadda labada wadan.
Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ah waddamo uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo soo jireen ah.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag