
Burburka Siyaasadeeysan ee Ku Socda Beesha Mudullod Halkee ayuu ka soo bilaawday ?

Tan iyo Markii ay joogsadeen dagaaladii Hogaamiye Kooxeedka Muqdisho waxaa soo Bilaawday Bur-burin Siyaasadeed Iyo Mid Dhaqaale Iyo Mid Deegaan Oo lagu Burburinayo Beesha Mudullod
Besha Mudullood Ayaa Degto Deegaano Badan Oo ay somalida Degto Sida Dowlad Deegaanka Itobiya Degaanka NFD Keenya .GALMUDUG JUBBADA SARE SH/HOOSE SH/DHEXE BANADIR J /DHEXE
Gorrmuu Soo Bilaawday ?Maxaa Dhacay 2006?
Waxaa Weerar Xoogan lagu soo qaaday Dekadii Ceelmacaan waxaana loo kaashaday midowgii maxaakiimta balse waxaa ku hoos jiray Dano Siyaasadeed waxaana soo Bilaawday Bur bur dhaqaale waxa meesha ku hanti beelay Ganacsato Mudullod waxana meeshaasi ku xirmay Dekadii Ceelmacaan Iyo Garoonkii Diyaaradaha Cisaleey. Waxaana lagu laayay Dadka Bulshada Wax tarka u lahaa.
Sida Markii ay maxkamadaha dagaalka kula jireen Hogaamiye Kooxeedyada waxaa dhinac socday In la dilo dadka wax galka u ah beesha Mudullod
Yaa Ka Mid ahaa ?
1: Genaraalo Ciidan 2: Ganacsato 3: Culumaudiin 4:Siyaasiyiin 5: aqoonyahay nooc kasto uu yahay 6: Dadka u dhaqdhaqaaqa Bulshada Sida Dhalinyarada Wax fahamsan 7;Nabadoonada
2006 Ilaa 2025 qorshihii Baabinta Qoomiyada Muddulood Maxaa ka Hirgalay?
Dhaqanka Mudullod Dhamaan waxaa laga dhigay (ShutDon) Ama Mid (Dhaqan Dansan)
dhaqanka Mudullod ee maanta shaqeeya ma ahan mid ka war hayo bulshada ay metelaan waa kuwa ka shaqeeya danahooda Gaarka ah
Tusaale : Abgaalka
Imaamka Waa la isku Heeystaa Ugaaska Waa la isku Heeystaa Suldaanka Waa la isku Heeystaa Malaaqa Waa la isku Heeystaa Ma Jiro Dhaqan Caafimaad Qabo Oo la isku raacsan yahay. In aysan Hishiin Dhaqanka Iyo Bulshada Waa qeeyb ka mid ah Hishiiskii Bur-burinta Mudullod.
Haddana Ma Muuqato mid Xal laga gaarayo dhamaan Dhibaatooyinkaasi Taagan
2006-2025 Qorshaha Deegaanka Iyo Siyaasad Bur-burinta Maxaa Ka Hir Galay?
Qaar ka mid ah Deegaan Muqdisho Dhamaan dhulkii ay lahayeen dadkii Goofleeyda ahaa waa laga wada iibsaday maantana lacag kama hayaan Dhulna mahayaan Deegaana ,Ma hayaan.
G/SH/HOOSE Beesha Wacdaan Dhulkii ay ku lahaayeen waa laga xoogay Iyo Qaar laga Iibsaday ayay naqdaan Maanta waxa ay ka yihiin Marti dhulkoodii Waxaana Qorshahaasi Fuliyay Dowladii Hore Madaxweyne Xasan Oo G/SH/HOOSE Raaciyay Maamulka BAY.
Jubboyinka Waxa an aragnaa dad laga soo masaafurinayo Hantida ay ku lahaayeen laga dhacay mana jiro Nabadoon Muddulood oo ka hadlayo arrinkaasi.
G/SH/DHEXE Maamul Ma hayaan Hogaan Isbaaro ayaa ka dhisan waxaana uu sabab u naqday In ay is nacaan Abgaalka Ku Nool Gobolka Mamulka Jowhar ayaa Ku Caan baxay isku Dirka Beelaha Hadii ay ahaan laheed Abgaalka Dhexdiisa ama Abgaal Iyo Xawadlwe.
Si kastaba ha ahaatee Maantana Waxaa Dhulkoodii ka soo Qaxiyay alshabaab Dhul ma hayaan Maamul Wanaagsan Ma heeystaan Waxaana ay u Dulman Yihiin Siyaasigoodii Iyo Dadkoodii Wax Galka ahaa Waa Nasiib Daro Ku Dhacday.
GalMudug Mudullodka .Maamulka Galmudug Wax Darajo ah kama hayaan Sidoo kale Dhulkii ay ka deganaayeen Waxaa lagu Bilaabay waxaana loo adeegsaday Alshabaab Iyo Siyaasdo qarsoon Balse maanta ayay Hirgashay oo waxaa dul degan Cadow Ku soo Duulay Dhulka Iyo Dadka.
Gobolka Banaadir: Maxaa laga damasan yahay?
Sida aan hadda arago waxaa bilaawday Qeeyb ka mid ah qorshihii Bur-burinta Waxaa Muqdisho laga Bilaabay Laba Kaar Oo Is diidan Mid Is diiwaan Gelin Doorasho Iyo mid dhalasho hadii Muwaadin kasto somaliyeed Sheegto In uu Muqdisho ku dhashay Halka Dadkii Deegaanka deganaa aysan Qaadan Kaarka Aqoonsiga.
Ogoow beri waxaa imaanaysa in awood laguugu sharciyeeyo dadkii qaatay kaararka in ay yihiin Dadka Degan G/BANAADIR .
Si kastaba ha ahaatee Gaoaan kasto oo lagu dhibaateeyo Beesha Mudullod waxaa meel mariya Siyaasi Muddullod ama madax soo martay ama Xilka hadda haya
AUN MADAXWEEYNIHII HORE SOMALIYA CALI MAHDI AYAA LAGA HAYAA “MUDULLOD WAA QOOMIYAD HADII AYSAN IS DABA QABAN SIDII URAAGO AYAY NAQANAYAAN.. ,MAANTA AYAA LA ARKAA HADALKAASI.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag