
Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Ciro oo maanta la hadlayay Golaha wakilada ee Soomaaliland ayaa weerar afka ah ku qaaday R/wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Bari, oo maalmo ka hor safar ku tagay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Cirro ayaa sheegay in R/wasaare Xamsa uu ku xadgudbay madax banaanida iyo qaranimada Soomaaliland, islamarkaana wixii ka yimaado uu isaga qaadi doono, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Madaxweyne Ciro ayaa ka digay in socdaalka R/wasaare Xamsa uu sababi karo khalalaasi iyo dagaal sokeeyi uu ka dhaca deegaanada Bariga Gobolka Sool, isagoona ku goodiyay in Soomaaliland ay awood u leedahay in ay iska difaaci karto cid kasto oo ku soo xadgudubta.
Madaxweeyne Ciro ayaa sheegay in Xubnaha Beesha Caalamka uu ku wargelinayo in Soomaaliland ay sii wadayso dadaaleenta nabadeynta, walaaleenta iyo deris wanaaga, balse gardaro kasto ay iska difaacayso, waa sida uu sheegay.
Hadalka Madaxweeyne Ciro ayaa moodaa mid uu ku qancinayo Taageerayaashiisa maxaa yeelay wuu ogyahay in aysan jirin maamul hoos yimaada oo ka dhisan laascoono
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag