October 7, 2025

Dagaal ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha Iyo Faah faahin laga helayo

Wararka laga helayo deegaanka ceelasha biyaha  ayaa sheegaya in uu ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii kooxda Al-shabaab weerar ay ku qaaday saldhiga ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida  ay ku leeyihiin halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada in ay iska difaaceen dableyda  weerarka kusoo qaaday kadib dagaal culus oo dhexmaray labada dhinac.

 

Waxaa lasoo warinayaa in khasaaro xoogan kooxda AS lagu garsiiyey weerarka ay ku soo qaadeen saldhiga ciidamada dowladda  ee deegaanka ceelasha biyaha.

Sidoo kale waxaa helnay warar sheegaya in rasaasta ay is weydaarsadeen kooxda Al-shabaab iyo ciidanka dowladda  ay waxyeelo gaarsiisay dadka deegaanka walaw aan la xaqiijin inta uu gaarsiisan yahay.

Wararkii ugu dambeyey ayaa sheegaya in ciidanka ay wadaan howlaglo amniga lagu xaqiijinayo kadib weerarka lagu soo qaaday.

Mudooyinkii dambe kooxda AS ayaa laba jibaartay weeararada ay la beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowlada taasi oo loo sababeeyey in ay yaraadeen weearardii ciidan ay ku qaadi jireen goobaha ay ku dhuumaaleystaan xubnaha kooxda Al-shabaab.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*