October 7, 2025

Alshabaab Oo Xasuuq ka Bilaabay Guddaha Degmada Adenyabaal Iyo Shacabkii Oo isaga qaxay

default

Xoogaga Al-shabaab ee maalmo ka hor dib ula wareegay degmada Aadan yabaal ee gobolka Sh/dhexe ayaa la soo sheegayaa iney halkaas ka bilabeen falal aar gudasho ah.

Maleeshiyada  Al-shabaab oo baaritaan guri guri ah ka wada degmada ayaa la sheegay iney beegsanayaan dadkii la shaqeynayey ciidamada DF iyo xoogaga Macawisley ee degmadaas laga saaray.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Al shabaab ay soo qabqabteen ka dibna meelo kala duwan ku dileen dad aan tiradooda la cayimin oo iskugu jiray odayaal iyo dhalinyaro, dadkaas qaarkood ayaa la sheegay iney al shabaab gowraceen.

Wararka ayaa sheegaya in qaar kale oo dadka la beegsaday ka mid ah ay al shabaab guryahooda kala baxeen, kuwaasoo aan la ogeyn nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyeen.

Shacabka ku dhaqan degmada Aadan yabaal ayaa la sheegay iney la soo deristay cabsi iyo argagax ay ka qaadeen dilalka iyo gowraca halkaas ka socda, iyadoo xogaha la helo qaarkood ay sheegayaan iney jiraan haween la kufsaday.

Xoogaga Al shabaab ayaa maalmo ka hor u awood sheegtay kumanaan ka tirsan ciidamada DF iyo Macawisley oo degmadas gacanta ku hayey ka dib markii ay ku soo qaadeen weerar balaaran oo qaraxyo ku bilowday.

Ciidamadii laga qabsaday degmada Aadan yabaal oo wata gaadiidkooda dagaalka ayaa la sheegay iney maanta gaareen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, lamana oga ujeedada ay halkaas u tageen qorshaha ay damacsan yihiin.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*