
Wax ka ogoow Doorashooyinkii Dalka Soo maray Iyo Maanta

Doorashooyinkii dalka soo maray 1956-1959 -1964 iyo1969 si aan u barbar dhigno heerka aan maanta joogno kadib nus qarni ka badan.
Xilligaas oo doorasho muwaadin u dhashay Jamhuuriyaddii Soomaaliya uu isticmaalo xuquuqdiisa codbixineed (Universal suffrage) oo ku beegneed 26Marso 1969kii.
Waxan si kooban qormadan ugu qaadaa dhigi doonaa heerarki ay soo mareen doorashooyinkii dalkeenna anoo ku eegi doona qaababkii doorasho muddadii u dhaxeysay 1956 ilaa 1969.
Horraantii 1954 kii ayaa Maamulkii wasaayada Talyaaniga ee UN amaanada ugu dhiibay AFIS (Aministraziona Fiduciario Somalo )loo cuskaday bayaanadii 289iv,21november iyo bayaankii 20kii disember UNGAOR 1949 lagu caddeeyey in mudo 10 sano ah Koofurta Soomaaliya xornimo lagu gaarsiiyo 1950-1960 ayadoo loo dhisay Gole loogu magac daray Golaha la-tashiga dalka (Consiglio Teritoriale) oo ka koobnaa 51 xubnood lagana soo xulay Axsaabtii dalka ka jirtay iyo Jaaliyadihii Shisheeyaha ee dalka degenaa.
Xigasho: Keydka diwaanka doorashooyinka Afrika
The abbreviation of UNGAOR stands for United
Nations General Assembly Official Records. It specifically refers to the official record of the United Nations General Assembly, which contains the minutes, documents, and resolutions of each session. In 1949, the UNGA was in its 4th session, and its official records would be referred to as UNGAOR 4th session.
Waxa Golahaas madax ka noqday mudane Gasbari oo ka mid ahaa Maamulkii wasaayada Ama Wakiilka Talyaaniga, waxana ku xigeen ka noqday AUN Aden Abdulle Osman oo ka tirsanaa hogaankii Xisbigii SYL. Marka laga yimaado Golahaas La-tashiga waxa, taariikhda dalkeena lagu qabtay 4 doorasho :
Laba ka mid ah ayaa ahaa doorasho dadban ee koofurta iyo waqqyiga Soomalia xiligii daakhiliga 1956 iyo 1959kii, halka labada kalana la qabtay gobanimadii kadib 1964 iyo 1969kii Ayadoo muwaadiniinta J/Soomaaliyeed fursad u heleen in ay codkooda si toos ah ugu soo xushaan Wakiilladooda.
Bal eeg noocyada doorashooyinkaasi iyo qaababka looga hirgeliyey Dalka:
1.Doorashadii koowaad ee daakhiliga koofurta Soomaalia february1956:
Markii ugu horeysay xilligii wasaayada Talyaanigu Koofurta dalka maamulayay waxa la soo doortay Gole sharci-dejin oo ka koobnaa 70 kursi oo 60 ka mid ah laga soo doortay Xisbiyo dhawr ah,halka 10 ka mudane ee kale laga soo magacaabay Jaaliyadaha dalka ku noolaa ama wax ka degenaa.
60kaas kursi waxa laga soo doortay 25 Degmo, doorashooyinkaas oo ka dhacay Degmooyin iyo Tuulooyin halka miyigana lagu qabtay 613 shir oo loo tirinayey codbixiyayaasha Qabiil Qabiil iyo xisbiga ay codkooda siinayaan wadar ahaantood (open councils) ,doorashadaasi waxa ay dhacday muddadii u dhexeysay November 1955 ilaa Janayo1956.
10ka mudane ee Jaaliyadaha dalka degenaa waxa loo qoondeeyey ama loogu qeybiyey: Talyani,Arab,Indian iyo Pakistaan, doorashadaas waxa si aqlabiyad ah ugu guuleeystay Xisbigii SYL oo helay 43 Kursi oo ka mid ahaa 70kii Kursi.
Waxay natiijada doorashadaas kadib Koofurta Soomaaliya yelatay Ra,iisul wasaarihii ugu horeeyey iyo xukuumad daakhili ah ee uu hogaaminayey Marxuum AUN Halgame Abdullahi Cise Moxamuud iyo Xisbigii SYL ( SOMALI YOUTH LEAGE) oo soo dhisay xukuumadii ka koobnayd 5 Wasiir .
Sidoo kale 1956 kii ayaa markii ugu horeysay taariikhda Dalkeenna loo magacaabay Saraakiil madax looga dhigay 6dii Gobol ee Koofurta Soomaaliya kuwaas oo tababarro ku soo qaatay dalka Talyaaniga oo kala ahaa:
1) Ali Omar Shegaw Gud. Guddomye Gobol Benderqaasim(Bari) L/xidigle Cabdalla Ali. Taliye qeyb police
2) Dahir Xaji Osman( dhegaweyne Gudoomiye Gobol Mudug
L/xididle Mohamed Ibraahim liq liqato. Taliye Qeyb Polic
3) Banadir : Nin talyani ah Gudoomiye Gobol
L/ L/xidgle Mohamed Siyaad Bare. Taliye Qeyb Polic
4) Nur Axmed Kasteli Gudoomiye Gobol J/Hoose L/xidigle Mohamed Caynaanshe Guuleed. Taliye Qeyb Polic
5) Xassan Nur Cilmi Gudoomiye Gobol Hiiraan
L/ xidigle Dauud Abdulle Xirsi Taliye Qeyb Polic
6) Xaaji Bashiir Ismaaciil Gudoomiye Gobol J/Sare
7: L/xidigle Mohamed Abshir Muuse. Taliye Qeyb Polic
2.Doorashadii 8 di Marso 1959 kii iyo 7di Febrayo 1960kii ee Koofurta iyo Waqooyiga Soomaalia
Waa doorashadii labaad ee daakhiliga oo ka dhacday taariikhda kor ku qoran 6dii Gobol ee Koofurta Soomaaliya laguna soo dooratay 90 Mudane oo ka kala yimid Gobollada hoos ku qoran:
1)Baanadir. 2) Jubada hoose 3)Hiiraan .4) Jubada sare .5)Mudug iyo 6) Majeertenya( bari).
Tirada kuraastaas ayaa maamulkii wasaayada Talyaanigu ku saleeyey tirakoob laga sameeyey dhammaan degmooyinka,tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah ee Koofurta dalka .
Xigasho: Keydka diwaanka doorashooyinka Afrika
Doorashadaas waxa ay markii ugu horreysay la kulantay kala qeyb-sanaan ku dhacday xisbigii SYL iyo qaaddacaad ka qeyb gal la’aan doorashada ay sameeyeen 2 Xisbi oo kala ahaa Somali Independent constitutional Party iyo Greater Somalia League taasoo guushii ku raacday xisbigii SYL kuna guuleysto 83 kursi oo ka mid ah 90 kursi ee loo tartamayey.
Nasiib wanaag khilaafkaasi waa laga heshiiyey aakhirkii oo xisbigii SYL dib ayuu uga midoobay ,arrintaasoo Dawladdii Talyaaniga ku noqotay lama filaan kuna sheegtay heshiiskaas in Soomaalidu gaartay (Maturita Politico )oo la macno ah Biseyl siyaasadeed,
Natiijada doorashadaas kadib ayaa AUN Marxuum Abdullahii Ciise loo magacaabay R/Wasaarihii Xukuumadii labaad ee daakhiliga.
Natiijadii doorashadii Gobolada Waqooyiga Soomaalia 17 february 1960kii
Taariikhdaas ayaa xukuumadii maxmiyadda Ingriisku ku dhawaaqday natiijadii doorashada oo u dhacday sida hoos ku qoran:.
Somali National Leage 20 Kursi
United Somali Party 12 Kursi
National United Front 1Kursi.
Natiijada doorashadaas kadib ayey axsaabtaasi Waqooyiga Soomaaliya ka codsadeen Maxmiyadii Ingriiska in la siiyo gobannimo si ay ula midoobaan walaalahooda gobollada Koofurta Soomaaliya taa oo laga aqbalay.
Aqlabiyadda kuraastaas gobolada Koofur iyo Waqooyi waxa ku guuleystay Xisbiyadii hormuudka ka ahaa gobannimadoonka sida: SYL ,SNL,sidoo kale mudanayaasha barlamaanku waxa ay ahaayeen kuwo lagu soo doortay Soomaalinimo iyo doorkoodii gobanimadoon oo an loo eegin Qabiil ,deegaanka aw ka soo jeedo asal ahaan kana madaxbanaanaa eex iyo musuq maasuq.
(Free of corruption)ayadoo ay xusid mudan tahay in mudanayaashaas qaarkood xilka loogu dhiibay kadib FAATAXO baahida bulshadu u qabtay darteed.
26kii Jun iyo 1dii Julay 1960 ayey ahaayeen maalmihii hanashada gobannimada Waqooyi iyo Koofur ayaa golayaashii waqooyi iyo koofur goaamiyeen:
Midawgii labada gobol ee Jumhuuriyadda Soomaaaliya , ansixintii ku dhaqanka dastuurkii KMG,caasimadda jamhuuriyadda, Ummada Somaliyeed.
Sidoo kale ayaa loo doortay madaxwene KMG AUN Aden Abdulle Osman isagoo u magacaabay R/wasaare AUN Abdirashiid Ali Sharmaarke
20Jun 1961 kii waxa la qabtay aftidii dastuurkii dalka ee( Somali costitutional referendum) 1961. ku codeeyeen Ogol Dastuurka.
6Julay1961 ayaa la qabtay doorashadii ugu horeysay oo ay ku tartamaan labo Musharax jagada madaxweynaha dalka oo kala ahaa AUwadaNaxariistee Mudane Aden Abdulle Osman iyo Mudane Shiikh Cali Jimcaale Baraale.
Tartamayaashu labaduba waxa ay ka soo wada jeedeen SYL G/Hiiraan ,Degmada Beledweyne tasoo guushii ku raacday wareegii sadexaad AUN Aden Abdulle Osman.
- Doorashadii koowaad ee J/Soomaliya ee gobannimada kadib 30 ki Marso 1964.
Waxa la qabtay doorashadii ugu horeysay markii gobannimada la qaatay oo cod iyo qof lagu galay dhammaan degmooyinkii 8 gobol ee dalka J/Soomalia ka koobnaa kadib midawgii labadii Gobol ee ku midoobay Jumhuriyaddii Soomaaliya 1 julay 1960kii ,waxana guushii ku raacday Xisbigii SYL oo helay 69 kursi oo ka mid ahaa wadartii xildhibaanada guud ee J/Soomalia oo ka koobneed 123 kursi.
Mudo-xileedkii AUN Aden Cabdulle Osman 1961/1967 waxa uu kala magacaabay 2 Ra,iisul wassaareyaal oo kala ahaa:.
1.AUN Abdirashiid C Sharmarke 1961 -1964.
2.AUN Abdirazaaq Xaaji Xuseen 1964-1967.
10 Jun 1967 kii oo ku ekeed mudo-xileedkii AUN Aden Abdulle Osman waxa tartankii jagada madaxweyne uga guuleystay AUN Mudane Abdirashiid Cali Sharmaarke ,asagoo u magacaabay RW AUN Marxuum Mohamed Ibrahin
Egal.
DOORASHADII 2AAD EE XORIYADII KADIB J/SOOMALIA 26 Marso 1969.
Doorashaas waxa ku tartamay 64 Xisbi oo 27 kamid ahi kuraas ka hanteen,waxana guushii ku raacday Xisbigii S.Y.L oo ku adkaaday73 mudane oo ka mid ahaa 123 Kursi.
Doorashadaas kadib ayaa tiradii ugu badneed Mudanayaashii axsaabtii mucaaradku ku soo biiray SYL gaar ahaa Xisbigii SNC ee ugu weynaaa mucaaradka Dalka ayaa isbaheysigaas raacay sidaas ayey SYL ku kasbatay120 Kursi oo ka mid ah 123 kursi ee tirada guud ee xildhibaankii Soomaalia.
Doorashdaasi dadka Soomaaliyeed waxa ay u bixiyeen WOOD KHASAARAY oo loo la jeeday in mudo 6 bilood kadib inqilaab milateri kula wareegay taladii Dalka.
Gunaanad.
Ugu danbeeyntii Waxan qormadan u soo qaatay in aan la qeybsado akhristayaasha sharafta leh si, aan u wada daalacano dhacdooyin muujiyey 50 sanadood iyo dheeraad ka hor in shacbiga Soomaaliyeed ka biseyl badnaa kuweenna maanta jooga marka loo eego daacadnimada,waddaniyadda,hoggaaminta ,dimogradiyada, ilbaxnimada iyo aqoonsiga xuquuqda muwaadinka.
Waxan soo marnay maalmo dhaamo maalmahaan ee hoggaan iyo bulsho ku wada qanacsanaa in ay ku wada noolaadaan qaanuun ay dhigteen oo muwaadiniinta fursad u siinayey doorashada matalaada wakiiladooda siyaasadeed oo loo marayey tartan furan iyo axsaab siyasadeed oo qof waliba fakerkeeda (xuriyatul qawlka) iyo ficilkiisa ku soo bandhigi jiray cod-bixin(one man one vote) ,wargeysyo madax-bannaan sida warsidihii caan baxay ee (la Tribuna) iyo dibad-baxyo nabadeed sida kii gil gilay caasimadda Soomaalia ee la magac baxay (NO BOON).
Xigasho: Keydka diiwaanka doorashooyinka Afrika.
DR: Cabdullaahi Faroole Maxamed
BSc. LLB. LLM. MBA. PhD
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag