
ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya In xafiiska RW Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu warqad digniin culus diray agaasimaha heyadda Socdaalka iyo jinsiyadaha ee Somalia Mr Mustaf Dhuxulow.

Warqada ka soo baxday xafiiska Xamse ayaa lagu amray agaasime Dhuxulow inuu joojiyo kulamada uu la qaadanayo safiirada dalalka ajnabiga ah ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.
Qoraalka R/Wasaare Xamza Xamse ayaa ku amray Agaasime Mustaf Dhuxulow inuu ku ekaado waajibaadkiisa shaqo ee ku aadan maamulka heyadda socdaalka iyo jinsiyadaha oo uu agaasimaha ka yahay.
Talaabada uu qaaday Xafiiska Raisul Wasaaraha ayaa timid ka dib markii Wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Axmed Macalin Fiqi uu cabasho ka dhan ah Xamse u gudbiyey RW Xamse.
Wasiir Fiqi ayaa ku eedeeyey agaasime Dhuxulow inuu galay howlo ka baxsan waajibaadkiisa shaqo, uuna u gacan dhaafay shaqadii Wasaaradiisa ee la xiriirta macaamilka iyo la socodka diblomaasiyiinta shisheeye ee fadhigoodu yahay Muqdisho.
Warqadan digniinta ah ayaa weji gabax ku noqotay Agaasime Mustaf dhuxulow oo muddadii gaabneyd ee uu joogay heyadda socdaalka ku dhaqaaqay talaabooyin qaldan oo u muuqda inuu ku jahwareeray Maamulka heyadda socdaalka.
Sidoo kale Agaasime Dhuxulow ayaa mudada gaaban ee joogo heyadda socdaalka caadeystay safiirada dalalka shisheeye iyo wakiilada heyadaha caalamiga ah, waxaana xusid mudan in agaasimeyaashii ka horeeyey aysan la kulmi jirin safiirada iyo wakiilada heyadaha shisheeye.
Si kastaba ha ahaatee Agaasime Mustaf Dhuxuloow ayaa la dhihi karaa wax wanaagsan ayuu ku soo kordhiyay shaqada Tan Iyo Markii loo dhiibay Xilkaan .
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag