

Warbixino Dheeeaad ayaa ka soo baxaya Dagaalka Ka dhacay Degmada Aadan yabaal Ee G/SH/DHexe u dhawaad 7 saacadood ayuu weli ka socdaa Degmada Aadan Yabaal kadib markii saakay maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ay halkaasi ay ku soo qaadeen.
Sidoo kale Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa saddex jiho ah ka soo weerareen degmada Aadan Yabaal, waxaana sidaas ku qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo Al-shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in dhinacyada dagaalamaya uu soo kala gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona la soo werinayo xubno badan oo ka tirsan maleeshiyaadka lagu dilay dagaalka, inkastoo tiro koob sax ah aan weli laga helin, maadaama dagaalka uu sii xoogeystay.
Dhanka kale Ciidamo gurmad ah ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal, kuwaasi oo ku biiray dagaalka culus ee weli ka socda degmada.
Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya, ayaan wali ka hadlin weerarkan xooggan ee Al Shabaab kusoo qaadeen degmada Aadan Yabaal, waxa uuna weerarkan imaanayaa xilli dowladda Soomaaliya isku diyaarineysay in weerar ku qaadaan deegaano iyo degmooyin kale oo Al Shabaab heesteen.
Si kastaba ha ahaatee Degmada Aadan Yabaal ayaa kamid ah degmooyinka waa wayn ee saddex sanno ka hor laga xoreeyay Al-shabaab, iyada oo u ahayd saldhigga ugu weyn ee Shabeellaha Dhexe. Waxaaba ka dhihi karaa waxa u sabab ah Maamulka HirShabelle Iyo Dowlada Dhexe Oo Ka Gaabiyay Shaqa laga Doonayay In ay wax ka qabtaan.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag