October 7, 2025

R/Wasare Xamsa Oo hambalyo u Diray CXS Oo Maanta u Dabaal Degaya 12 April ,,,,,,,,,,,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda sannadguurada 65–aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
R/Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran intii ay jirtay ay dadaal xooggan ku bixisay dhisitaanka, qalabaynta, tayeynta iyo xoojinta cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayna guulo waaweyn ka soo hooyeen cadawga dalkeena u diidan horumarka ee Khawaarijta.
Sidoo kale R/wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda weyn ee qarankeenna u leeyahay ciidan awood leh oo si buuxda u hanta sugidda ammaanka iyo xuduudaha dalka, kana difaaca shacabka Soomaaliyeed khatar kasta oo cadowgu ay soo maleegaan.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryey naxariistiisa Janno inuu ugu deeqo dhammaan geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dadkooda iyo dalkooda, waxa uuna bogaadiyey nafhurnimada ay maalin iyo habeen u taagan yihiin.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*