
Ciidamada Booliska Saldhiga Degmadda Xamarweyne ayaa goordhow xiray Agaasimaha Guud ee warbaahinta Shabelle Abuukar Sheekh Maxamuud Abuukar Iskaay. Iyo agaasime ku xigeenka Warbaahinta Shabeelle ee Muqdisho. Weriye Maxamuud Cabdinaasir Soofeysane
Agaasimaha Dadaacada Shabelle Iyo Ku Xigeenkiisa ayaa looga yeeray Saldhiga degmada Xamarweyne kadibna ciidamada Booliska ayaa xabsiga dhigay.
War ka soo baxay ayaa sheegaya in Weriye Soofeesane looga yeeray saldhigga Booliska Degmada Xamarweyne si Su”aalo looga weydiiyo wareysi uu la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Suleymaan kaasi oo isna Booliska u xiran.
“Maamulka Sare ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa uu si adag u cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee lagula kacay Agaasimaha Idaacada Iyo Ku Xigeenkiisa waxaana ay dalbanayaan in si degdeg ah xuriyadiisa uu dib u helaan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Madaxda warbaahinta iyo weriyeyaasha Soomaaliyeed ayaa si adag u cambeerayay xariga sharci darada ah ee loo geystay Agaasimaha Shabeelle iyo ku xigeenkiisa.
Dhanka kale Booliska Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay xarig u geystay weriyaal badan iyo xarumo warbaahineed, taasi xadgudub ku ah nidaamka Dastuurka iyo sharciga Warbaahinta.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag