October 7, 2025

Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Degmada Luuq ee G/Gedo Iyo Faahfaahin….

Wararka laga helayo degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu uu markale saaka ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalka xoogeysa uu ka socdaa duleedka degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Labada dhinac ayaa la soo werinayaa in hubka noocyadiisa kala duwan ay isku adeegsanayaan, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa waxaa uu daba socday dagaal maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa gudaha magaalada Luuq.

Horay ayay maleeshiyaadka ugu dagaalameen Luuq, waxayna isku haystaan arrimo la xiriira maamulka degmada iyo dilal aanooyin qabiil ah oo ay horay isugu gaysteen labada dhinac.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo uu ugu horreeyo madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan oo ku baxay xiisaddan ayaa ku guuleysan waayay xalkeeda, waxaana mar kale dib u qarxay dagaalka labada beelood.

Odoyaasha dhaqanka degmada Luuq ee gobolka ayaa shalay ku baaqay in la joojiyo colaada ka soo cusboonaatay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Maleeshiyo beeleedkan dagaalamaya ayaa horey waxaa heshiis u kala dhex dhigay madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, inkastoo heshiiska uu fashilmay, maadaama dhinacyada ay maantii labaad ay maanta ku dagaalamayaan degmada Luuq.

Sidoo kale Ma cadda Tilaabada ay qaadi doonaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo ku aadan siddii loo damin lahaa colaada ka soo cusboonaatay degmada Luuq.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*