October 7, 2025

Dr. C/llaahi Faroole Maxamed(Odayaalka dhaqanka Agoonyar Ma Aheeyn In Cabashooda Ay Warbaahinta Marsiyaan Wax ay aheeyd……

Waxan aarkaa clip ay Odayaal Agoonyar dowladda uga codsanayaan in ay tabashadooda la xiriirta dhibaato ay sheegnayaan kana jirta deegaannada ay ka soo jeedaan odayaashu ay dowladdu ka jawaabto.
Dowladdu waa dowladdoodi balse channel ki ay tabashadooda soo dhex marsiin lahaayeen waxa muuqata in ay san soo dhex marsiin taas oo ay ku tuseyso in uusan shaqeynaynin chanel kaasu iyaganu ay maciin bideen taa baddalkeeda in ay social mediyaha soo dhex marsiiyaan tabashadooda ku aaddan dhibka ay sheeganayaan iyagu .
Odayaashaan Agoonyar horta si kale ha,u cabtaano waa u furan tahay oo dan baa maciin biday social mediyahan in ay dhibkooda ku soo gudbistaan iyadoo tani ay markhaati cad u tahay in ay beeshu lumiyeen metalaaddi siyaasadeed ee ay ku dhex lahaayeen Golaha shacabka JFS.
Laakiin Odayaasha hadalkooda xambaarsan tabashada waxa ku jiray igagoo xusay magaca “xildhibaan”, balse waxan u maleynayaa xildhibaankey sheegayaan in afku ka qabtay oo dantooda ay si hoose ugu sheegan lahaayeen haddii iyaga iyo xildhibaan kooda xiriir matalaad ku dhisani ka dhexeyn lahaa, halka ay taa baddal keeda ka door bideen tabashadooda in ah social media ha ku soo gudbiyaan.
kursiga xildhibaannimo ee magaca Agooryar ninka ku matala iyaga, laga billaabo dhisiddi golaha xukuumadda maalinki la magacaabay ayuu mucaaradnimadiisa bilaabay isagoo imminka oo ay muddo xileedki xukuumadda iyo tiisuba ay gabaabsi ku sii dhow yihiin intaana ay matalaad la,dahay Beesha uu Xildhibaanku ku matalo kursiga HOP-146, waxa ayna taa ka dhigan tahay xoog maroodi lagu raacay in ay noqotay matalaaddaasi.
Ayaan darrada nagu dhacday ee matalaad la,aanta siyaasadeed miyaysan weli Agoon yar ku baraarugsaneyn.
Mucaarad nimadu micnaheedu ma, ahan in aad metalaadda dadkaaga xagga awood qeybsiga dastuuriga ah ee ay dowlidnimada Somaliya ku dhisan tahay aad lumiso, sidoo kale xaqqa dadkaaga dowladda ay ugu leeyihiin in ay baahiyadooda aas-aasiga ah helaanna ma, ahin in ay mucaaradnimadaada ku waayaan ee aadan gudan mas,uuliyadda kaa saaran arrintaa, shalayna ay ahayd shuruud la,aan in ay Agoon yar ku siiyeen kursigaa, maantana qabiilki oo dhan loo aqoon saday in ay wada mucaarad yihiin, iyaguna ay dhibane u noqdaan xildhibaankoodi balse aysan weli garan cidda ay iyagu dhibanaha u yihiin in ay tahay dowladda iyo in ay tahay xil dhibaan kooda.
Waxan halkan talooyin uga soo kala jeedinayaa Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wax garadka Agoonyar:
1. Wax garadka Agoon yar marka hore waxan idin leeyahay, si wax looga qabto tabashooyinkiinna ku aaddan wax ka qabashada deegaannadiinna dhibaatooyinka heysta, xag horumar bulsho, Amni, Siyaasad iyo dhaqan dhaqaale, waa in aad garataan halka aad u soo mari laheydeen (channels), ileyn idinka Siyaasadda dowladnimo Xildhibaan baa idinku matala isaga ayaana idiin dhexeeya adinka iyo dowladdaba, sidaa awgeed baad ogaal ku metalaad la,aaneysaan xagga siyaasadda, ama halka ay idinka jirto haddaadan ogeynina baad baadi doon u gelysaan in ay tahay halkaa, xalkeedana markaa wuxuu noqon doonaa wixi aad ka fursan weysaan.
2. Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed:
Waxaan ku leeyahay adigana, oofi mas,uuliiyaddi siyaasiga ahayd ee kaa saarnayd kursiga Deegaan doorasho ee aad ku matasho shacabki shalay kugu sharfay xubinnimadiisa in aad ka mid noqoto Golaha Shacabka iyagoo heli karay cid kale oo aan adiga ahayn isla markaana ugu adeega danahooda, sidaa awgeed waa in aadan halmaamin taa iyada ah oo aysan iska kaa dhex gelin ka jawaabista baahiyaha ay qabaan shacabka aad matasho iyo argatida kale ee muucaarad nimo ee aad aqbashay iyadoo ay tahay mucaaradnimadu aragti jirta dowladnimaduna ay ogoshahay balse ay san waxba u dhimayn oo aysan ka hor imaaneyn matalaaddaada Siyaasiga ah oo aad ku meel marin kartid wax ka qabashada tabashooyinka ay qabaan ama ka jirta bulshooyinka ku dhaqana deegaan doorashahaaga aad ka soo jeeddo.
MAHADSANIDIIN
Dr. Cabdullaahi Faroole Maxamed
BSc, LLB, LLM, MBA, PhD

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*